JL oo Ku Hanjabtay La Wareegitaanka Caasimada Maamulka oo Shabaab Haystaan

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan Magaaladda Caasimadda u ah Jubbaland ee Bu’aale oo 10-sano ka badan ay Xarakadda Al-shabaab maamulayaan.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland aadan goojaar, oo warbaahinta kula hadlayay aaga Deegaanka Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegay in ciidamadda Jubbaland ay u diyaar garoobeen sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmadda Bu’aale oo gacanta ku hayaan Shabaab.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu khamiistii gaaray aaga degmada Jamaame,islamarkaana ciidamadda ku dhiirigaliyay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland aadan goojaar, in Madaxweynaha  Jubbaland uu ciidamadda ka dalbaday in ay tagaan Degmadda Bu’aale, oo Xarakadda Al-shabaab haystaan.

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa khamiistii booqday Ciidamada Darawiishata Jubbaland ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab gaar ahaan aaga Degmada jamaame.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada geesiyaasha ah ee kaabiga ku haya Degmada Jamaame iyo deegaanada kale ee gobolka Jubbada Hoose ay Shabaab kaga harsan yihiin.

Waxaa Madaxweynahu uu halkaas kula kulmay Sarakiisha hogaaminaysa howlgaladan iyo masuuliyiin kale isagoo ku booriyay inay sii laba jibaaran howlgalka socda si Al-Shabaab looga dulqaado dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan isagoo sidoo kale Sarakiisha ka dhagaystay sida ay howlgaladu u socdaan iyo guulaha ilaa hada ay Ciidamadu gaareen.