Maxkamada gobolka Banaadir oo xukun ku riday Agaasime Shabaab ahaa

Maxkamda ciidmada qalabka sida ee Soomaliya ayaa ku xukuntay ku simahihii agaasimaha shaqada gobolka banaadir Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) Xabsi Ciidan oo 3 Sanno ah,

Maxkamada ayaa shegtay in xukunkiisa uu ku ku mutaystay kadib markii lagu helay inuu horay uga mid ahaan jiray Alshabaab, Islamarkaana uusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta ee la marsiiyo dadka ka hara Alshabaab.

Maxkamada ciidmada ayaa sidoo kale siidaysay C/laahi C/raxmaan Maxamed oo ay Walaalo ahaayeen Basiiro oo la aaminsan yahay inay ahayd qofkii isku miidaamisay Xarunta Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hadda ka hor shaaca ka qaaday in hay’adaha amniga ay gacanta ku dhigeen Agaasime doonayay inuu isku qarxiyo.