Shacabka Muqdisho iyo Hargeysa oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay kulankii taariikhiga ahaa ee Farmaajo iyo Biixi (WARBIXIN)

Toddobaadkii aynu soo dhaafnay dalka Soomaaliya waxaa gilgilay kulan toos ah oo dalka Itoobiya ku dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kulankaas oo door lixaad leh ka qaatay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Atto. Aby Ahmed kaasi oo dhabaha u xaaraya soo nooleynta wadahadaladii labada dhinac oo meesha ka baxay tan iyo mudadii uu xukunka dalka qabtay Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka labada madaxweyne oo dhacay taariikhdu markay ahayd 11-kii bishan, labada dhinac waxay isku afgarteen inay ka wadahadlaan khilaafaadka dhex yaala ee soo jiitamayay tan iyo markii shacabka ku dhaqan Waqooyiga Soomaaliya go’aansadeen inay noqdaan dal ka madax bannaan dalka intiisa kale.

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka qeyb galay meertadii 39-aad ee kulan madaxeedka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa maalintii Khamiista jeediyay khudbad uu ku soo xirayay shirka sanadlaha ah ee garsoorka Soomaaliya, isagoona ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin la kulanka wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Shirka garsoorka oo Muqdisho ka socday muddo laba maalin ah, waxaa ka soo qeyb galay hay’adaha garsoorka heer federaal iyo heer maamul goboleed, hase yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi ka sheegay in shacabka ku dhaqan Somaliland uu ka garaabayo dhibaatadii keentay inay ka goostaan Soomaaliya inteeda kale.

“Anigoo ah madaxweynaha dalka waxaan raalli gelin iyo cudurdaar ka bixinayaa dhibaatadii loo geystay walaalaheen gobolada Waqooyi” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay in dhibaatada loo geystay shacabka Somaliland aanay ahayn Koonfur oo Waqooyi ku duushay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in shacabka Waqooyiga Soomaaliya ay dhibaato u geysteen nidaamkii markaasi jiray ee Maxamed Siyaad Barre, isgoona ku hanjabay in cadaaladda lala tiigsanayo haraaga xukunkii milateriga.

Marka laga soo tago kulanka taariikhiga ah ee Farmaajo iyo Biixi iyo khudbadii hoggaamiyaha Villa Somalia ka jeediyay Muqdisho oo guddi uu u magacaabay wadahadalada Soomaaliya Somaliland aanu qaban howshiisii kaddib markii Dowladda Hargeysa maamusha ku gacan seyrtay, iyadoo laga bixiyay aragtiyo kala duwan natiijada ka dhalan karta kulankaasi.

Dhacdooyinka layaabka leh ee toddobaadkan dhacay waxaa ka mid ah in shacabka ku dhaqan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen in kulankaasi uu ahaa mid baahi weyn loo qabay muddo 30-sano kaddib ah in la dhayo boogaha iyo tabashooyinka ka dhex dhacay guud ahaan dalka oo dhan.

Warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga sida BBC-da, VOA-da iyo idaacadaha maxalliga ah ayaa saacado badan siiyay aragtiyaha kala duwan ee ay ka qabaan shacabka ku dhaqan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa kuwaasi oo intooda badan hoosta ka xariiqay inay xoojineyso midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Cajaa’ibta dhacday waxay tahay in shacabka degan Muqdisho ee ka soo jeeda gobolada Somaliland iyo kuwa Hargeysa degan ee Muqdisho ka soo jeeda aragtiyahooda ka dhiibteen kulanka Addis Ababa ka dhacay ee Farmaajo iyo Biixi, iyagoona u codeeyay inuu ahaa mid laga soo daahay oo loo baahnaa, waxayna ku baaqeen in labada hoggaamiye kulan noocaan ah inay ku yeeshaan Muqdisho ama Hargeysa midkood.

Saddex u dhig laba dhig aragtiyaha dadweynaha labada magaalo ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland inay soo afjaraan khilaafka gaamuray ka dhex taagan isla markaana ay gaaraan go’aan ay heshiis ku yihiin noocii uu doonaba ha ahaadee.

Qeybta kale ee u dhiganta saddex dalool hal dalool shacabka Soomaalida ah ee aragtiyaha dhiibtay ayaa aaminsan in kulankaasi aanu waxba soo kordhineyn isla markaana la mid yahay shirarkii horay u fashilmay, taasi oo ay u daliishadeen inuu ahaa dhoolatus siyaasadeed ay sameeyeen madaxweynayaasha Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Aqoonyahanada falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa iyagu siyaabo kala duwan waxay uga hadleen dareenka ay xambaarsan tahay raalli gelinta iyo cudurdaarka uu bixiyay Madaxweyne Farmaajo inay leedahay dareen ka duwan madaxdii isaga ka horeysay, kuwaasi oo afka ka dhowrtay inay si cad u qiraan dhibaatada loo geystay shacabka Somaliland.

Guntii iyo gabagabadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo 8-dii bishan u dabaal degay saddex sano guurada ka soo wareegtay markii uu xukunka qabtay ayaa mudada sanadka ah ee u haray waxaa looga fadhiyaa inuu fuliyo ballanqaadyadii uu bixiyay xilligii uu musharaxa ahaa, iyadoo kulanka uu la qaatay madaxweyne Muuse Biixi meesha ka saaray dhaleeceyntii ay horay ugu jeediyeen siyaasiyiinta mucaaradka ee ahaa inay irdaha ka xiratay wadahadalada xukuumadda Hargeysa.

Waxaa Qoray: jabriil M. Nuur (Jabra-shaaciye)
Email: jabriil@journalist.com
Muqdisho – Soomaaliya