DF oo Muqdisho ka bilowday baahinta qorshe hirgelintiisa shaki la geliyay  (La soco faahfaahinta)

Dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu ka harsan tahay wax ka yar sanad ayaa bilowday olole ku saabsan isbedelka la filayo inuu dalka ka dhaco sanadka 2021-ka, kaasi oo iminka ay socdaan dadaallo lagu dhameystirayo qaabka ay dalka uga dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

Radio Muqdisho oo ah warbaahinta ku hadla afka Dowladda federaalka ayaa bilaabay barnaamij uu ku xayeysiinayo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhaceysa sanadka soo socda ee 2021-ka, iyadoo shacabka loogu sheegayo inay ka qeyb galaan doorashadaasi si ay u doortaan u tartamayaasha kuraasta xukuumadda cusub.

Barnaamijkaan oo u muuqda mid dowladdu ku dooneyso inay xayeysiin ugu sameyso doorashada aftida dadweynaha ayaa ah mid ay ansixisay wasaaradda Warfaafinta, iyadoo shacabka Soomaaliyeed lagu gubaabinayo inay muujiyaan rabitaankooda madaxda dalka maamuleysa sanadka 2021-ka.

Ma aha markii ugu horeysay oo xayeysiin loo sameeyo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhaceysa sanadka soo socda, iyadoo horay qaar ka mid ah idaacadaha FM-ta ee ka howlgala magaalada Muqdisho sii daayaan xayeysiintaasi iyagoo lagu caddeynayo inay iska kaashadeen maamulka idaacadda iyo hay’ado ajnabi ah.

Ololaha doorashada qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda marka uu xilligeedu dhammaado dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa gilgilay guud ahaan siyaasadda dalka, tiiyoo horay maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland si cad u sheegeen inay diidan yihiin sharciga doorashooyinka ee uu meel mariyay Baarlamaanka federaalka.

8-biishan oo xukuumadda madaxweyne Farmaajo u dabaal degtay sanadkii saddexaad markii la doortay sanadkii 2017-ka doorasho ka dhacday hool ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa muteysatay ammaan iyo dhaliil ku saabsan waxyaabihii ay ka gaabisay.

Waxyaabaha ay qabatay waxaa ka mid ah: hagaajinta xiriirka dibadda ee Soomaaliya la leedahay caalamka, arrimaha dhaqaalaha dalka oo dib u habeyn lagu sameeyay, xasilooni siyaasadeed oo dalka ka dhacda iyo arrimo kale.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah hoggaamiyaha heysta aqlabiyadda shacabka Soomaaliyeed kaddib markii uu helay taageerada muwaadiniinta dalka ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa iminka waxaa hoos u dhac weyn ku yimid taageerada ay u hayaan kaddib markii xukuumaddiisa wakhtiga ka sii dhacayo ku guul darreysatay arrimaha: Cadaaladda, Nabadgelyada, adeegga bulshada iyo inuusan wax badan ka qaban xiriirka kala dhaxeeya maamul goboleedyada dalka.

Ololahaan cusub ee Muqdisho ka bilowday looguna diyaar garoobayo doorashooyin dalka ka dhaca, ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda madasha xisbiyada ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ka biyo diiday qaabka madaxda sare ee dowladda federaalka u diyaarineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa sanadkan horraantiisa bilaabay inay dardar geliyaan afti dadweyne oo ka dhacda dalka, iyadoo aqoonyahanada iyo xeel dheerayaasha xaaladda dalka sida weyn ula socda shaki weyn geliyeen sanadka 2021-ka in dalka ay ka dhacdo nooca doorasho ee la saadaalinayo si ay meesha uga baxdo muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda hadda jirta.

Madaxweyne Farmaajo lama oga inuu mar kale u tartamayo kursiga madaxweynenimada dowladda isaga ka dambeysa, hase yeeshee Ra’iisal Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre ayaa la saadaalinayaa inuu ka qeyb galaan tartanka musharaxnimada xilalka ugu sareeya dalka inkasta oo aanay weli shaacin qorshahooda siyaasadeed ee ay ka damacsan yihiin sanadka 2021-ka doorka ay ka qaadanayaan hoggaanka dalka nooca uu noqonayo.

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra-Shaaciye)
Email: jabriil@journalist.com
Facebook.com/saxafi37
Muqdisho – Soomaaliya