Wasiir Sabareey” Madaxweyne Deni ma xamili karro dhaliisha Warbaahinta”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed(Sabareey) ayaa sheegAy in Xukuumadda Puntland ay dulqaad la’aan ka muujisey in uu qalad ka yimaado Warbaahinta ka howlgashha deegaannada kala duwan ee Puntland.

Waxaa uu sheegay in kulan uu Madaxweyne Deni la qaatay Golihiisa Wasiirada uu Madaxweynaha walaac ka muujiyey Warbaahinta,isla markaana uusan dul qaad u laheyn Waxyaabaha ay tebiyaan Warbaahinta.

Madaxweyne Deni oo dhawaan shir jiraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in Puntland u baahan yahay rag Afka ku difaaca oo dagaal xooggan loogula jiro baraha Bulshada,sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in maamulkiisa dacaayad fara badan laga fido,islamarkaana laga faafiyo warar been abuur ah oo sal iyo raad toona lahayn.