Sawirro: NISA oo soo bandhigay qalab loo adeegsado qaraxyada Al-Shabaab geysteen

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia ee NISA ayaa soo bandhigtay qalab kala duwan loo adeegsado qaraxyada, iyadoo lagu soo qabtay shakabad qaabilsan qaraxyada Al-Shabaab.

Qalabkaan oo qeyb ka ah maadooyinka qaraxyada laga sameeyo iyo hub kala duwan, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamada amniga intii u dhaxeysay 26-28 bisha oo howlgalo ay sameeyeen u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan.

Ma jirto cid NISA ay soo bandhigtay oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo qabtay howlgalkaan, hase ahaatee qoraal boggooda kusoo daabaceen ay ku shegeeen in soo qabashada qalabkaan ay suuragelisay shacabka iyo laamaha amniga oo wada shaqeeyay.

Qarax Qalab 2

Qarax Qalab 3
Qarax Qalab 1