XOG: Galmudug oo qarka u saaran in lagu kala tago & Kheyre oo ku wajahan

0

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan magaalada DHuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud oo ay ka taagan khilaaf laga dhisi la’yahay maamulka Galmudug.

Dhinacyadii maamulka ku mideysan ee fadhigooda uu ahaa magaalada Dhuusamareeb ayaa la garab u kala jabay,mid kastana wuxuu sameystay guddi doorasho u gooni,taas oo sii fogeyneysa hanaanka dhismo ee maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan Shacabka Galmudug.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhow jeer isaga daba laabtay Galmudug si xal looga gaaro tabashada jirta loona sii amba qaado dhismaha Galmudug-ta cusub.

Ahlu suna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku fahmi la’ dhismaha maamulka Galmudug,waxaana sii dheer musharaxiinta oo dhankooda  diidan sida ay Dowladda u wajaheyso geedi socodka maamulka Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply