Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmaya bulshada ku dhaqan degmooyinka Bartamaha.

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Finish” ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka Bartamaha, sida X/weyne. Shingaani, C/casiis iyo Boondheere.

Wariyaha warbaahinta Qaranka uga soo warama gobolka Banaadir Nuur Siciid Tahliil ayaa soo sheegaya in qabanqaabada kulankaasi ay hadda ka socoto xarunta degmada Boondheere,  halkaasoo uu gudoomiyuhu kula kulmidoono qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degmooyinka loo yaqaano bartamaha ee gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa lagu wadaa in bulshadaasi uu ka dhageysto baahiyaha ay qabaan, isagoo markaasi si toos ah uga jawaabidoona su’aalo la qorsheeynayo in ay weydiiyaan dadweynaha uu kula kulmidoono xarunta degmada Boondheere.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe uu gudoomiye Cumar Finish kula kulmidoono dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, si uu u ogaado islamarkaana wax uga qabto cabshooyinka iyo baahiyaha ay u soo gudbiyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply