DHAGEYSO: Xaaf oo Looga Digey Dhismaha Maamul Ka Madax banaan Kan Galmudug

0

Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ugu digay dhismaha maamul kasoo horjeeda kan laga dhisayo magaladda Dhuusa-mareeb.

Cali Gacal Casir Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Galmudug oo la hadlayay warbaahinta,ayaa Madaxweyne Xaaf kaga digay in uu ka hor yimaado Dhismaha maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu yahay  nin odey ah,islamarkaana la joogo xiligii siyaasadda Soomaaliya ka fariisan lahaa,balse aan hada loo baahneen in caqabad noqdo.

Madaxweyne Xaaf ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada qorshe uu ku fashilanayo dhismaha maamulka Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Waxaana halkaas looga dhawaaqay Liis xildhibaano ah,kuwaas oo la doonayo in madaxweyne cusub ku doortaan magaalada Gaalkacyo.

You might also like More from author

Leave A Reply