Axmed madoobe:-“Puntland iyo Jubbaland waxay diyaar u yihiin la shaqeynta Dowladda Dhexe”,

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Maamuladda puntland iyo Jubbaland ay diyaar u yihiin la shaqeynta Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Waxa uu  sheegay in Puntland iyo Jubbaland labaduba ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Dowlada Federaalka ah balse taas ay ka horayso in la dhowro Dastuurka iyo sharciga dalka u yaala oo qofna aan laga ogolaan inuu siduu doono u dhigo Arimaha Siyaasada dalka ayuu Madaxweynahu sheegay inay u baahan tahay wadajir iyo aragti midaysan oo wax lagaga qabanayo baahiyaha taagan taasna lagu gaari karo wada hadal iyo isku tanaasul.

Amaanka ayuu Madaxweynahu Shacabka Gobolka Bari ugu baaqay inay kala shaqeeyaan Xukuumada Puntland si dhibaatada Shabaab meesha looga saaro taas oo lagu heli karo in Hay’adaha amaanku ay tageero k helaan shacabka.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu xusay in nidaamka Federaalku uu xal u yahay dhibaatooyin badan oo maanta dalka ka jira hadii siduu yahay loo dhaqan galiyo waxaa uu intaas ku daray in hanaanka daadajinta maaamulka iyo in Adeegyada Dowlada meelaha Hoose la gaarsiiyo faa”iidadeeda ay arkeen Shacabka Puntland loogana baahan yahay inay ilaashadaan oo ay sii adkeeyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply