Deprecated: The each() function is deprecated. This message will be suppressed on further calls in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-content/plugins/js_composer/include/classes/core/class-vc-mapper.php on line 111 R/wasaare Kheyre oo hakiyay lacago loo qoondeeyay maamul goboleedyada dalka – War La Helaa Talo La Helaa Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

R/wasaare Kheyre oo hakiyay lacago loo qoondeeyay maamul goboleedyada dalka

0

Ra`isul Wasaare Khayre oo Hakiyay Mashruuca Lagu dhisayo Magaalooyinka Maamul Gobaleedyada dalka oo Maanta ay kala saxiixdeen guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Qoraalka ka soobaxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa lagu yiri, iyada oo la tixraacayo Amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada. Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.

“iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada. Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre.

Arrintaan ayaa loo sababeynayaa khilaafka sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaarkood.

You might also like More from author

Leave A Reply