Sanadguurada 1aad weerarkii Hotelka Dusitd2 (Xaalad layaab leh oo qabsatay arday gabdho ah)

0

Muddo sanad ah ayaa ka soo wareegatay markii dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab weerar abaabulan ku qaadeen Hotel ku yaala xaafadda West Land ee magaalada Nairobi, kaasi oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 10-ruux isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Bodies Of Dusit
Bodies Of Dusit

Weerarka oo ay fuliyeen ilaa 5-nin oo midkood u xirnaa suunka qaraxyada ayaa dhammaantood ku geeriyooday weerarkaasi, iyadoo dadka ku geeriyooday ee ku sugnaa Hotelka Dusitd2 ay ka mid ahaayeen dhallinyaro Soomaalida Kenya ka tirsan.

Dusitd2
Dusitd2

Ciidamada ammaanka iyo ragga weeraray Hotelkaasi oo dagaal saacado socday dhex maray waxay soo afjareen xaaladda xaafadda West Land, iyadoo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta sheegay in weerarkaasi ay ku waayeen dad qiimo u lahaa dalkiisa.

“Waan ka guuleysaneynaa kooxaha argagixisada ah ee weerarka ka guuleystay hotelka Dusitd2” ayuu yiri Uhuru oo warbaahinta u jeediyay daqiiqado uun kaddib markii ay ciidamada nabadgelyada soo gabagabeeyeen howlgalkooda.

Khubarada ku xeeldheer dhinaca ammaanka ayaa sheegay in weerarkii maleeshiyada ururka ka fuliyeen Hotel Dusid2 sanad kahor uu yahay mid muujinaya in kooxdu ku muujineyso awooda ay u leedahay inay ka geysan karto goob kasta oo ay dooneyso.

Dagaalyahanada ururka Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, iyadoo labadii toddobaad ee ugu dambeysay fuliyay howlgallo ay ku beegsadeen fariisimo ciidan, goobo waxbarasho iyo goobo kale, iyagoona burburiyay anteenooyinka shirkadda isgaarsiinta Safaricom oo ka mid bartilmaameedyadooda ugu muhiimsan.

Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ayaa sheegaya inuu dab ka kacay dugsi ay dhigtaan arday gabdho ah, halkaasi oo uu ka kacay dab sababay in 20 ka mid ah ardaydaasi dhaawacyo kala duwan ka soo gaaraan.

Sababta dabka dhalisay ayaa lagu sheegay inay tahay korontadii ku jirtay iskuulkaasi, waxayna sheegeen goob joogayaal ku sugnaa halka uu dabka ka dhacay in waxyeelada soo gaartay ay ka dhalatay kaddib markii ay is buurteen oo markii uu dabku xoogeystay u qaatay iskuulka la soo weeraray.

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra-shaaciye)
E-mail: jabriil@journalist.com

You might also like More from author

Leave A Reply