Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Al-Shabaab oo sheegtay inay dib ula wareegeen Tooratoorow

0

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa shalay gelinkii dambe la wareegay deegaanka Tooratoorow oo ay ku xoogganaayeen Al-Shabaab,balse ciidanka Dowladda ayaa dib isaga baxay.

Saraakiisha howlgalka deegaankaas lagula wareegay ayaa waxaa ay sheegeen in ay qabteen Xubno uu ku jiray guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Shabeellaha hoose,isla markaana ay si buuxda ula wareegeen Ammnaaka deegaankaas.

Hayeeshee Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Dowladda ay isaga baxeen deegaanka Tooratooroow,isla markaana ay la wareegeen kuna sugan yihiin.

Warar ay Al-Shabaaba ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in Ciidamada ay si nabadgelyo ah deegaanka uga baxeen,isla markaana ay iyaga Magaalada lawareegeen.

Majirto weli wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Saraakiisha Ciidamaa Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ee ku aadan warkaan kasoo baxay Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply