XOG: RW Kheyre oo xil ka qaadis ku sameeya taliyaha Booliska & Farmaajo oo diiday

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaare¬† Xasan Cali Kheyre ayaa inoo xaqiijiyay in uu Ra’iisal wasaaraha xil ka qaadis ku sameeyay Taliyaha Booliska Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), balse uu diiday Madaxweyne Farmaajo.

Sida ay wararku sheegayaan Arrinta aya waxaa ka dhashay muran xoog leh oo u dhexeeya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo,taas oo ugu dambeyn gaartay in qaar ka mid ah saaxiibada ugu dhow labada dhinac ay soo farageliyaan.

Gen. Xijaar aya laga duubay muuqaal xilli uu war saxaafadeed jeedinayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish isagoo ku amray Guddoomiye Cumar in aanu sheegi karin tirada dhimashada iyo dhaawaca, balse Guddoomiye Cumar Filish uu si farsameysan u sheegay tirada dhaawaca isla markaana sheegay in tirada dhimashada aay tahay mid aad u badan inkastoo uusan sheegin tiro.

General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) aya loo magacaabay Taliyaha Booliska bishii Ogoosto ee sanadkan sii dhammaanaya, waxaana uu ka hor ka mid ahaa howlwadeenada safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sucuudiga. Gen.Xijaar ayaa saaxib dhow la ah Fahad Yasin.