Waa maxay farqiga u dhaxeeya Dowladnimada iyo marxaladda Soomaaliya?!!

0

Dalka Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa AUN Jaalle Maxamed Siyaad Barre ee 21-ka sano dalka ka talineysay, waxaa muddo 30-sano ah soo maray maamullo iyo dowlado soo gaarsiiyay xaaladda uu maanta dalku marayo.

Haddaba ujeedada qormadeyda waxay ku saabsan tahay daraasad dheer oo aan ku sameeyay marxaladda dhabta ah ee ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan dowladihii soo maray 12-kii sano dowladihii ay kala hoggaaminayeen Madaxweynayaasha Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhammaantood muddo xileedkoodu ahaa muddo afar sano ah isla markaana aanu jirin midkood dib loogu soo doorto amaba laba jeer loo doortay kuriga madaxweynimada dalka.

Daraasadda oo socotay saddexdii sano ee ugu dambeysay kaddib 12-sano sano oo dalka ay ka jirtay dowladdo muddo xileedkoodu yahay afar sano sano ayaa waxaa ii soo baxday daldaloolo halkaas ka jira, kuwaasi oo wax faa’iido aanay ugu jirin dalka iyo dadka, iyadoo madaxda cusub ee mar walba hoggaamineysa dowladda cusub ciriiri ku yahay muddo xileedka gaaban isla markaana wakhtigu ka dhacayo markii ay ka qalin jebiyaan aqoonta iyo waaya aragnimada ay ka kororsadeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalkooda oo haatan ka soo kabsanaya burburkii ku dhacay mudada 30-ka sano ah.

Afarta sano ee uu xilka hayo hayo madaxweynaha dowladda cusub, hadaan kala qaadno labada sano ee ugu horeysa wuxuu ku mashquulsan yahay magacaabista siyaasiyiinta iyo madaxda u qalma kuraasida xukuumadiisa, sanadka saddexaad ee uu xilka hayo madaxweynaha dowladda markaasi jirta sida aan u soo joognay wuxuu wajahayaa dagaal dhinac kastaba leh oo uga imaanaya siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay, kooxo kale oo iyana mid kastaaba leeyahay dano u gaar ah.

Sanadka afaraad oo ah kan ugu dambeeya ee uu ku eg yahay muddo xileedkiisa waxaa sida caadada ah dalka oo dhan ka bilowda olole iyo isbaheysiyo siyaasadeed loogu diyaar garoobayo sidii koox kasta ugu guuleysan lahayd doorashada ka dambeysa Dowladda xilligeedu sii dhammaanayo.

Xaaladda aan kor ku soo sheegay waxaan ka wada dheregsanahay inay soo mareen saddexdii dowladdood ee ugu dambeeyay, hase yeeshee waxaa isku key qaban waayay is jiid jiidka siyaasadeed iyo is kooxeysiga ku dhisan ee kooxdii laga guuleysto bilaabeyso inay shaqo ka dhigato sidii ay kursiga uga tuuri lahaayeen.

Dhaqanka xun ee siyaasiyiinta Soomaalida la soo baxeen oo ah “Cadkaanow ku cunay ama ku ciideey” ma aha mid ku cusub dalka, tusaale waxaa kaaga filan dagaalkii siyaasadeed ee lagu qaaday Madaxweynaha haatan haya talada dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) kaasi oo soo bilowday shantii bilood ee ugu horeysay, kaasi oo ay hormuud ka yihiin Labadii madaxweyne ee xilkaasi uga horeeyay Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo rag kale oo horay xilal kala duwan dalka uga soo qabtay.

Marka aad isku darsato cawaaqibka ka dhalan kara kursi jaceylka madaxda dalkeena, muddo xileedka afarta sano ah ee madaxda uu ku cusub yahay hab maamulka dowladda iyo marxaladda uu dalkeena marayo waxaa kuu soo baxaya natiijo aan u wanaagsaneyn dadkeena iyo dalkeena taasi oo mar walba ka dhigan in xaaladdu ku dambeyneyso JUGJUG MEESHAADA JOOG.

Nidaamka Federaalka ee ay ku howlgaleyso dowladnimada dalka oo isna qeybta ugu weyn ka qaadanaya in dalku yeesho dowlad awood leh bacdamaa Soomaalida ugu dhaqmayaan siyaabo khaldan kana duwan maamulada federaaliga ah ee ka jira dalalka Afrika iyo kan caalamka intiisa kale.

Maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira waxay u sameysan yihiin qaab qabiil, wuxuuna mid kastaaba doonayaa inuu yeesho awood la mid ah tan Dowladda dhexe, waana sababtaas iyo kuwo kale ee had iyo goor joogto ka dhigaya khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada federaaliga ah sida dhacday dowladihii ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha haatan xilka haya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).

Waa sidee marxaladda dhabta ah ee dalka ka jirta Soomaaliya?

Anigoo soo koobaya dhacdooyinkii aan u soo joognay ee dalkeena martigeliyay oo loo baahan yahay in hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka ku maareeyaan xaaladda dhabta ah ee maanta loo baahan yahay in horay looga dhaqaajiyo, ayaa waxaa muuqata in taasi bedelkeeda la wajahayo dib u dhac iyo waxqabadka dowladnimada dalka oo siyaabo kala duwan lugahaya u hayaan xubno isugu jira maqaawiir Soomaali ah, kuwaasi oo qaarkood dabada ka riixaya ajnabi dano guracan ka leh dalkaan, lagana yaabee akhristow inaad iiga xog-ogaalsan tahay wax badan oo ka dhacay dalka aadna door bidi lahayd inaan ku soo daro qormadeydaan.

Halkaan laguma soo koobi karo hagardaamooyinka wejiyada kala duwan leh ee lagu curyaaminayo sidii dalkeena uu u yeelan lahaa dowlad dib u soo celisa qaranimadii ay Soomaaliya ku faani jirtay bari-samaadkii, hase yeeshee marka laga soo tago dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ah ku hayaan dalkeena wixii ka soo hara waxay leeyihiin ugu dambeynta xal qaabkii uu doonaba haku yimaadee.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee wakhtigeeda hal sano oo qura ka harsan tahay waxaa la filayaa inay dalka ka dhacdo doorasho lagu kala aragti duwan yahay qaabka ay u dhaceyso, iyadoo haddii ay suurtagal noqon weyso inay dalka ka dhacaan doorasho qof iyo cod ah xaaladu u muuqato inay dhacaan doorasho ka duwan midii lagu soo dhisay dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa nasiib darrada ugu weyn ah in shacabka Soomaaliyeed ay weli hor boodayaan hoggaamiyeyaal iyo kooxo weli qabiilku madax maray oo maciin ka raadinaya si ay ku gaaraan ujeedooyin mugdi miiran ah ee aan u khidmeyneynin qaranimo iyo musaalaxo ka bidhaanta geyiga Soomaaliyeed.

Marxaladda dalka ka jirta ee aan indhaha laga qarsan karin waxaa ka mid ah in dalka hoggaamintiisa ay garwadeen u noqonayaan siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno intooda badan ay ku yar tahay wadaninimada, balse waxaa nasiib wanaag ah inaysan weli dhiman rajadii shacabka ee ahayd inay mar uun arkaan dalkooda oo la mid noqda mustaqbalka dhow wadamada caalamka dhinac kasta ka horumaray.

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

E-mail: saxafi37@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply