XOG: Maxaa C/raxmaan C/shakuur ku qasbay inuu la laabto Gefkii uu geystay?

Inta badan culimada Soomaaliyeed ayaa C/raxmaan C/shakuur aad ugu dhaliilay inuu Gaalnimo ku dhacay ka dib markii uu u gefay mid ka mid ah xaddiisyada saxiixa ee Nabigeenna Suubaan (NNKH) laga wariyay.

Talo,tusaale & dhaliilo kala duwan oo loo jeediyay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ka dib,ayuu xalay fiidkii go’aansaday inuu si rasmi ah u cadeeyo mowqifkiisa arrintan lagu heysto,isagoona aqbalay inuu Alle dambi dhaaf weydiisanayo,islamarkaana raali gelin buuxda uu siiyay cid kasta oo si qaldan u fahamtay hadalkii uu ka jeediyay dalka Jarmalka oo uu kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa.

“Waxaan ahay muslim waxaana raali gelin ka bixinayaa khudbadeydii Jarmalka oo si qaldan loo fahmay, Alle waan u towbad keenay” ayuu yir CC Warsame.

Haddaba Maxaa ku qasbay C/raxmaan C/shakuur Warsame inuu aqlbalo dalabkii Culimada?.

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa baraha Bulshada u mariyay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir uu hadal u muuqday in lagu waxyeeleynayo sharaftiisa iyo hankiisa siyaasadeed,kaas oo suurta gal ka dhigayay inuu saameyn aan wanaagsaneyn ku yeesho Mustaqbalkiisa siyaasadeed ee dalka.

Sheikh Cabdi Maxamed Umul,Sheikh Soomow,Sheikh Cali Wajiis,Sheikh Daahir iyo culimo kala ayaa si aad ah siyaasiga ugu cambaareeyay hadalka uu ka jeediyay Jarmalka iyo sida uu u wajahay tafsiirka Xaddiiska saxiixa iyo inuu u gefay maqaamka dumarka Soomaaliyeed ka taagan yihiin Diinta Islaamka ee shariifka ah.

Sheekh Cabdi Xayi oo ka hadlay arrinta muranka dhalisay ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa u cabiray si ka duwan sida inta badan culimada arrintan ka hadashay.

Inta badan culimadii arrintan ka hadashay ayaa aad u dhaliilay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo qaarkood ku sheegay “inuu ku dhacay gaalnimo”.

Xasan Daahir Aweys ayaa u Hanjabay C/raxmaan C/shakuur,isagoona sheegay inuusan uga hari doonin gefka uu ka galay Diinta Islaamka oo uu u xiran yahay.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedyentii uu u jeediyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ahaa in ay u ogolaatay in Xasan Daahir Aweys uu ku baaqo dilkiisa.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dowladda aysan wax xiriir ah ama wada-shaqeyn ah kala sameyn Xasan Daahir Aweys hadallada uu jeediyey.

“Arrintaas waxba kama jiraan, Xasan Daahir Aweys haddii uu xabsi guri ku jiro, xuquuq ayuu u leeyahay inuu telefon haysto, talefonkiisa ayuu ku hadlay oo uu hawada geliyey, taknoolajiyadda ayaana u saamaxday, ee dowladdu uma gayn media mana dhihin war soo duub, isagaa u arko in diintiisa lasoo weeraray.” Ayuu yiri Maareeye.

Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir oo u jawaabayay Sheikh Umul ayaa yiri” Lama yaabbani Sheekh Umal, sababta oo ah, waa ninkii na gaalaysiiyey markii aan heshiiskii Jabuuti galnay; waa ninkii gaalaysiiyey C/laahi Yuusuf; waa ninka Dawladdii Xasan Sheekh irdaha u taagnaa. Isaga iyo Xasan Daahir waxaa ay ilaalashadaan dawladda uu Farmaajo hoggaamiyo, sababtuna waa ay caddahay. Waa in Fahad Yaasiin oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xarakada Ictisaam oo ay soo wada galeen dagaalkii Araare, Gedo iyo Boosaaso uu dawladdaan milkiile ka yahay. Waxaa dhaqan u ah gaalaysiinta Muslimka, banaynta dhiigiisa iyo ku xadgudubka cirdigiisa.