Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

XOG: Dowladda Qatar oo la wareegeysa Xasan Daahir Aweys oo xaalad halis ah wajahaya

0

Dowladda Qatar ayaa qorsheyneysa iney la wareegto Hogaamiyihii hore ee Ururka Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys oo hadda u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Ehallada Xasan Daahir Aweys ayaa ogaaday in Wadaadka oo xanuunsanaya uu kaalmo caafimaad uu ka helay Xukuumadda Dooxa,waxaana qorshaha uu yahay in maalmaha soo socda loo duuliyo.

Arrintaan ayaa laga qariyay warbaahinta,balse dabagal iyo baaritaan dheer oo ay sameysay Shabakadda ayaa lagu ogaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ogolaatay in Xaaladda caafimaad daro ee iminka uu wajahayo Wadaadka Al-Shabaab ka soo baxsaday lala tacaalo loona duuliyo dalka Qatar oo horay u dalbadatay iney magan galyo siyaasadeed siineyso Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir Aweys ayaa wajahaya xanuuno kala duwan,waxaana sida naloo sheegay looga badan yahay wadnaha (Wadno Xanuun) iyo neerfaha oo mararka qaar laga yara dhufanayo.

Wadaadka ayaa maalmihii u dambeeyay Muuqaal toos ah oo Barta Facebooka uu soo galayay kaga hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka.

Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab ayaa diiday inuu ka tanaasulo fikirka uu u xiran yahay,waxaana hadda ciidamo nabad sugid ah ay ku ilaaliyaan guri ku yaalo Madaxtooyada Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply