DHAGEYSO: Puntland oo markale ka digtay duufaano laga cabsi qabo

Maamulka Puntland ayaa markale waxaa uu uga digay dadka ku nool deegaannada ku dhow Xeebta sababaola xiriira duufaano lasheegay inay kusoo wajahan yihiin deegaannada Maamulkaas.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlay duufaanta laga cabsi qabo iyo Roobab waxyeelo geystay oo ka da’ay Gobolka Gardafuu ee Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo kulanka faah faahinayey ayaa sheegay in dadka kunool deegaannada Xeebaha looga digayo inay ka fogaadaan si aysan waxyeelo ugu geysan duufaanta.

Waxaa uu sheegay inay jiraan dad ka barakacay Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Gobolka Gardafuu,isla markaana gargaarkii ugu horeeyey saacadaha soo socdo la gaarsiin doono.