Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Golaha Aqalka sare oo Maanta ansixiyey Sharci muhiim ah

0

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed.

Sidoo kale waxaa goob joog ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad,waxaana ajandaha kulanka Maanta uu ahaa Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xassan Xuseen ayaa Golaha Ka-hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeeddinada sentarada.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyeY,Iyaga oo marsiiyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka,waxaama Ogaalada 32 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majirin.

You might also like More from author

Leave A Reply