Akhriso:-Maamulla Puntland Oo Goordhow Digniin Soo Saaray

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad Goboleedka Puntland  ayaa soo saartay Digniin ku aadan Roobab duufaano wata oo kusoo wajahan xeebaha Badweynta Hindiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in duufaanta ay ku dhufato inta u dhexaysa Xafuun ilaa Hobyo, iyadoona Xawaaraha dabayshu tahay 80-100 KM halkii saac.

Sidoo kale Puntland ayaa shacabka degan xeebaha, dhulka Miyiga, iyo Magaalooyin kale ugu baaqday inay u diyaar garooban kana digtoonaadan duufaantaas, isla markaana laga baxo dhulka xeebaha.

     Halkaan hoose ka Akhriso Warqadda Digniinta ah:-

Fb Img 1575453523661
Fb Img 1575453523661