Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Faah faahin laga helayo dil magaalada Dhuusamareeb loogu geystay askar ka tirsan ciidanka DF

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ka dib markii askar askari kale uu dilay.

Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyey askari kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda,kaddib markii labada askari uu muran soo kala dhex-galay,isla markaana mid kamid ah askarta uu midkii kale dhowr xabadood ku dhuftay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in askarigii dilka u geystay askariga kale ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Amniga ku sugan Magaalada,isla markaana haatan uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska Dhuusamareeb.

Laamaha Amniga Dhuusamareeb weli kama hadlin falka dilka Askariga ah ee Maanta ka dhacay Magaalada,waxaana dilkaasi uu kusoo aadayaa xilli amniga Magaalada siweyn loo adkeeyey lana filayo inay ka dhacaan doorashooyinka hoggaanka Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply