Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Ciidamada AMISOM oo xiray qaar kamid ah Odayaasha Buulo Burde

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya waxaa ay Xabsiga dhigeen qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmadaas,kuwaas oo kasoo horjeestay Maamulka Hir-Shabeelle.

Odayaasha la xiray oo gaaraya ilaa Saddex ayaa kasoo horjeestay Maamulka Cusub ee degmada Buulo Burde ay dhawaan u soo Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle,kaas oo uu khilaaf ka taagan yahay.

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne oo kamid ah waxgaradka degmada Buulo Burde ayaa sheegay Madaxda Hir-Shabeelle  ay u sheegeen inaysan aqbaleyn Maamul ay si awood ah ku keenaan Madaxda Hir-Shabeelle.

Hayeeshee uu sheegay in taasi ay keentay in balantii ay la galeen Madaxda Hir-Shabeelle ay uga baxeen taas oo aheyd in wax Maamul ah aan markale loo soo Magacaabi Karin degmada.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Madaxda Hir-Shabeelle ay Odayaasha Dhaqanka ku dalbadeen Ciidamada AMISOM,isla markaana ay xireen Ciidamada Jabuuti  Odayaal uu isaga ka mid yahay.

Xariga la sheegay in Ciidamada AMISOM ay u geysteen Odayaasha Dhaqanka degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay imaaneysaa xilli saakay degmadaasi uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle iyo Maamulka Cusub oo ay u soo Magacaabeen degmadaas.

You might also like More from author

Leave A Reply