Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

XOG: Xasan Sheikh oo diiday qorshaha Farmaajo ee doorashada 2021

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka horyimid qorshaha madaxweyne Farmaajo ee doorashada 2021,kaas oo ku aadan in doorashada noqoto mid ku timaada qof iyo cod sida Farmaajo uu qabo.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inaan suurta gal ahayn xilligan la joogo in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah,maadama inta badan amniga dalka uusan hagaagsaneyn ayna jiraan deegaano badan oo wali ku jira gacanta Dowladda.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu damacsan yahay inuu doorashada masuq maasuq oo uu galo doorashada dhalinyaro abaabulan oo u bixiyay “Xooggag Wadaniyiin,”kuwaas oo ka dhisan dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale,guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka ayaa dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyay rayi’ uruurinta ay dhawaan ka soo sameeyeen maamul goboleedyada dalka oo ku aadan nuuca doorasho loo dhan yahay ee dalka ka dhici karto sanadka 2021.

Dowladda Federaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku kalsoon in dalka ay ka dhici karto doorasho ay shacabka codeeyaan,islamarkaana ku doortaan hoggaamiyaha ay u baahan yihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply