Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Kheyre oo ka hadlay weerarada lagu qaado dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weeraro badan ku qaadeen Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Ammaanka ay ka hor tageen weeraro badan oo ay ku qaadeen Al-Shabaab dadka ku howlanay Dhismaha Wadada.

Kheyre ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay kasoo horjeeddaan Mashaariicda lagu hormarinaayo dalka.

Waxaa uu ugu baaqay Hay’addaha kala duwan ee Ammaanka in ay la shaqeeyaan dhalinyaradda Soomaaliyeed si loo xoojiyo Xasiloonida Muqdisho.

“11mar ayey Al-Shabaab soo weerareen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, oo aan rajeneyno in lagu soo gabaganeeyo 2 bil gudahood” ayuu yiri Kheyre.

You might also like More from author

Leave A Reply