Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabey degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir,kaddib markii Guddoomiyihii degmadaas ay ku geeriyootay qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Shangaani loogu Magacaabey Aweys Camuudi kaas oo lagu bedelay Sahra Markeyzi oo kamid aheyd Guddoomiyeyaashii ku geeriyooday 24-kii Bishii July qarixii ka dhex-dhacay Xarunta Maamulka  Gobolka Banaadir.

Qaraxaas ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,Guddoomiyeyaashii degmooyinka,Waaberi iyo Cabdul Casiis,kuwaas oo la filayo in dhawaan Guddoomiyeyaal Cusub loo Magacaabo.

Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa wali loo magacaabin guddoomiye,maadama gabadhii guddoomiyaha ka ahayd ku geeriyootay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

You might also like More from author

Leave A Reply