Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Fadeexad ka dhalatay Darbiga ay Kenya ka dhiseysay Sohdinta Soomaaliya

0

Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa u hakadgeliyay dhismaha Darbiga Kenya iyo Soomaaliya ee siligga ka sameysan,waxaa ay sidoo kale xukuumadda ka dalbadeen in mashruucaas baaritaan lagu sameeyo.

Warbixinta Baarlamaanka uu soo saaray ayaa lagu sheegay in ilaa hadda 10km kaliya la dhisay kuna baxday $35Milyan oo doollarka Mareykanka ah taas oo ay su’aal badan ka keeneen Xildhibaannada.

Qorshaha dhismaha darbiga ayaa billowday 2014kii waxaana loogu talagalay in la dhiso 708km oo dhamaan sohdinta Soomaaliya ah,hayeeshee mashruuca ayaa istaagay iyada oo aysan jirin  cid qaadatay mas’uuliyadda sababta uu u socon waayay.

Darbiga ayey ahayd in uu ka billowdo Badweynah Hindiya, maro Mandheera ilaa sohdinta ay ku kulmaan Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xukuumadda Kenya ayaa qorshaha darbiga ka leedahay waxaa uu ahaa in Al-shabaab laga hor istaago in aysan gudaha Kenya u gelin, in dadka iyo daroogada sida sharci darrada ah lagu tahriibiyo laga hor istaago.

Warbixinta Baarlamaanka Kenya ayey ku sheegeen in $35Milyan ee ku baxday 10km ay ka dhigantahay in 1km kasta ay ku baxday $3Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Waxaa ay soo jeediyeen in xukuumadda la timaado halka ay ku baxeen lacagahaas sidoo kalena la baaro akoonnada saraakiisha Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF oo iyaga wakiil ka ahaa la socodka mashruuca.

You might also like More from author

Leave A Reply