Ethopio iyo Kenya oo Lagu Eedeeyay Faragalinta Soomaaliya
Dawladaha Ethopia iyo Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay faragalin ba’an ku hayaan dalka Soomaaliya.
Baddal Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Dowladaha Kenya iyo Ethopia in ay faragalin sharci darro ah ay ku haayaan arrimaha Soomaaliya.
Siyaasiga ayaa faah faahin ka bixiyay arrimo badan oo la xiriira faragelinta ay Kenya iyo Itoobiya ka wadaan gudaha Soomaaliya,waxaana uu sheegay in Kenya faragalin ka waddo gudaha Maamulka Jubaland.
Sidoo kale maamulka jubaland ayuu ku sheegay in ay Kenya si gaar ah kaga waddo faragalin iyo ka dhex shaqayn ay ka dhex waddo Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland taasoo sharaf dhac ku ah Madaxbannaanida dalka.
Waxaa sidoo kale uu eedeyn xooggan u jeediyay Dowladda Ethopia oo uu sheegay in ay dalka iska soo galaan marka ay rabaan, marka ay doonaan ay isaga baxaan, waxaana uu ku eedeeyay in mar waliba kusoo xad gudbaan madax bannaanida iyo qaranimada dalka.
Siyaasiyiinta iyo madaxda maamul Goboleed yada ayuu ku dhaleeceeyay sida ay ula dhaqmaan dawladda dhexe.
“Mar waliba oo uu khilaaf soo kala dhex galo dowladda iyo madaxda maamul gobaleedyada waxaa ay u dacwoodaan beesha caalamka, qaarkood waxaa ay si gaar ah ugu dacwoodaan Dowladaha Kenya iyo Ethopia, halkii ay wada hadallo la furi lahaayeen madaxdooda” sidaas waxaa yiri Baddal Jaamac oo ka mida ah siyaasiyiinta soomaliyeed.
Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo Madaxda Maamul Gobaleedyada qaarkood iyo Dowladda dhexe ee uu Haggaamiyo Maxamed C/laahi Maxamed ( Farmaajo )uu khilaaf xooggan ka dhex jiro, si gaar ah maamulada Jubaland iyo Galmudug ayay dhibaatooyinka ugu badani ka taagan yihiin.