Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Abshir Bukhaari oo Hoggaanka ONLF raali gelin ka siiyay qorshihii lagu dhiibay Qalbi Dhagax

0

Guddoomiyaha xisbiga ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maaddey ayaa kulan kula qataay magaalada Nairobi Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo xildhibaanno kale oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa is-xogwaraysi ayuu guddoomiyaha xisbiga ONLF ugu horreyn uga mahadceliyay baarlamaanka Soomaaliya halkii ay ka istaageen arrintii Cabdikariim Sheekh Muuse ( Qalbi-Dhagax) iyo sidii ay uga biya dideen in ONLF lagu tilmaamo urur argagixiso.

Wuxuuna guddoomiyaha Xisbiga ONLF bogaadiyay horumarka ka socda Soomaaliya iyo kaalinta ay Dowladda Federaalka Itoobiya ay ka geysaneyso.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhiidhiyay qorshihii Dowladda Itoobiya loogu gacan geliyay Cabdikariim Sheikh Muuse (Qalbi Dhagax),islamarkaana ku tilmaamay gabood fal iyo ku tumasho awoodda dalka ah.

You might also like More from author

Leave A Reply