Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Xisbiga Sinaanta Midnimada Nabadda oo Muqdisho ku qabtay kulankiisii ugu weynaa

0

Xarunta Xisbiga Sinaanta Midnimada Nabadda oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka waxaa maanta ka dhacay kulan weyne aan loo kala harin, waxaana ka soo qeyb galay madaxda xisbiga, wakiillada gobolada dalka, taageerayaal iyo marti sharaf lagu casuumay munaasabadaasi.

Kulankaan oo ah midkii ugu ballaarnaa ee uu qabto XSMN ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay madaxda sare ee xisbigaasi, xubno matalayay laamaha kala duwan ee uu xisbigaasi ku leeyahay gobollada dalka iyo xubno matalayay xisbiyada siyaasadda ee dalka.

Xoghayaha guud ee xisbiga Sinaanta Midnimada Nabadda Aadan Maxamed Arbow oo halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka ayaa sheegay in ujeedka kulankani uu yahay mid loogu dabaal degayo sanadguuradii koowaad markii uu xisbigooda qaatay shahaadada guddiga doorashooyinka.

Waxaa kale oo uu sheegay in munaasabadaasi ay ku lamaanan tahay xuska Mowliidka Nabiga NNKH, sidaasi dareedna ay ka soo qeyb galeen waxgarad, culumaa’udiin iyo qeybo ka tirsan bulshada, iyadoo munaasabadda laga jeediyay duruus kala duwan oo ku saabsan Nabi Muxammed CSW.

Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Sinaanta Midnimada Nabadda Qadiijo Cali Qaasim ahna Ku simaha Guddoomiyaha xisbigaasi C/Maalik Xasan Taksi ayaa iyaduna halkaasi ka jeedisay khudbad kooban oo ku saabsan sanadguurada 1aad ee ka soo wareegtay markii ay shahaadada ka qaateen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, iyadoona tilmaantay in xisbigoodu asaas u yahay sida ka muuqata magaciisa.

“Sinnaan, Midnimo iyo Nabad sida ka muuqata magaca xisbiga waa tallaabooyinka ugu horeeya ee dalka Soomaaliya iyo shacabkiisaba u ooman yihiin” ayay tiri Qadiijo Cali Qaasim oo ugu baaqday Soomaalida inay kula garab galaan sidii dalka looga hirgelin lahaa himilooyinka uu xisbigoodu u istaagay sidii loo heli lahaa.

Caaqil Jaha Ibraahim Xasan oo ah Guddoomiye Ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Sinaanta Midnimada Nabadda ayaa ka hadlay taariikhda asaaska xisbiga, isagoona sheegay in muddo afar sano ah laga joogo, isagoona tilmaamay in mudada uu jiro uu qabtay howlaha horyaalla, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sanadkaan wixii ka dambeeya la ballaarinayo xarumaha xisbiga uu ku leeyahay Muqdisho iyo gobolada dalka.

Dhinaca kale dhammaanba xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrimaha xisbiga iyo doorkiisa ku aadan ka qeyb qaadashada doorashooyinka qof iyo cod ah ee dalka ka dhacaya, hase yeeshee XSMN ayaa marka la eego axsaabta siyaasadeed ee ka dhisan dalka la oran karaa waa midka udub dhexaadka u ah bacdamaa uu isbaheysi la yahay in ka badan 20-xisbi siyaasadeed oo dalka ka jira.

Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera
Olympus Digital Camera

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra-Shaaciye)
E-mail: saxafi37@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya

You might also like More from author

Leave A Reply