Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Wasiir Jamaal oo ka Jawaabay dhaliil loo jeediyay Dowladda Federaalka

0

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iyo Dowladda Talyaaniga ay ka wada hadleen mashruuc wax looga qabanayo Fatahaadda Wabiga Baladweyne walina aysan jirin mashruuc la ansixiyay ama la saxiixat.

Hadalka Wasiirka ayaa Jawaab u ah warar soo baxayay saacadihii la soo dhaafay oo si aad ah looga hadal hayay baraha Bulshada kaasi oo sheegayay in Dowladda Talyaaniga ay ka laabatay mashruux biyo xireen loogu sameyn lahaa Wabiga Shabeelle oo inta badan Fatahaad ka sameeyay magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar ee Hirshabeelle ka dib markii ay Dowladda Soomaaliya codsan weysay.

” Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay ka wada xaajoonayeen suurta galnimada in laga caawiyo ka hortaga Fatahaadaha,mashruucan ayaa waxaa jeediyay Talyaaniga iyadoo uga gol leh iney ku Soomaaliya walina wuu socdaa,ilaa iyo hadda ma jiro mashruuc la ansixiyay ama la saxiixay,” ayuu ku yiri Wasiir Jamaal qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Twitterka.

Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilay iney ka faa’ideysan weysay mashruuc ay ula taagneyd Talyaaniga oo wax tar u ahaa Shacabka ku hareereysan Jiinka Wabiga oo inta badan ka cowda Fatahaadda Wabiga Shabeelle.

You might also like More from author

Leave A Reply