Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Faah faahino ka soo baxeysa dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac ayaa maanta ka dhacay degmada Heliiwaa ee gobolka Banaadir,halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxaa uu sigaar ah u dhex-maray Ciidamada Booliska ee ku sugan degmada Hiliwaa iyo kuwa millateri ah,waxaana dagaalkooda la sheegay in uu salka ku haayo arrimo la xiriira isqab qabsi dhul.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka oo ka dhacay Xaafada Bunbacoole ee degmada Hiliwaa uu sababay dhimashada laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Millateriga, iyada oo uu ku dhaawacmay taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hiliwaa oo lagu Magacaabo Cali Culusow.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Goobta ay Ciidamada ku dagaalameen ay takeen saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda,isla markaana ay kala dhex-galeen,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in xaaladu ay tahay haatan mid degan.

You might also like More from author

Leave A Reply