Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Booliska Somaliland oo War kasoo saaray Rabshadaha ka dhacay Hargeysa

0

Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxaa ay war kasoo saareen rabshadihii u dhaxeeyey ciidamada Soomaaliland iyo taageerayaasha Xisbiga WADANI.

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga WADANI C/Cirro iyo Xubno uu watay ay si awood ah ku jireen Ciidamo ka tirsan Booliska oo ku sugnaa Xarunta Xisbiga,isla markaana askari ilaaladiisa kamid ahaa uu toogtay taliyihii Ciidamada ku sugnaa Aaga Bari ee Xarunta Xisbiga WADANI .

Waxaa uu sheegay in sidoo kale la dhaawacay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland,hayeeshee aysan marnaba ogolaan doonin in fowdo iyo banaanbaxyo laga fuliyo Gudaha Hargeysa iyo deegaannada kale ee Soomaaliland.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliland in wixii maanta ka.dhacay Magaalada Hargeysa uu mas’uul ka yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro

You might also like More from author

Leave A Reply