Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

DHAGEYSO: Jabhad dagaal kula jirtay Somaliland oo Go’aan qaadatay

0

Jabhad la magic baxday Cawaale oo dhawaan laga Aas’aasay qeybo kamid ah gobolka Awdal,isla markaana dagaal kula jirtay Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday inay  joojisay dagaalkii ay kula jirtay Soomaaliland.

Kulan ka dhacay duleedka Magaalada Booraama,isla markaana dhex-maray Aqoonyahano, Waxgarad, Wasiiro ka socday Soomalailand iyo Xubnaha ugu sareeya Jabhadda Cawaale oo dhowr jeer weeraro ka geystay deegaano katirsan Gobolka Awdal.

Mid kamid ah Xubnaha Sare ee Jabhadda Cawaale ayaa waxaa uu sheegay inay sirasmi ah u joojiyeen dagaalkii ay kula jireen Soomaaliland, iyaga oo markii hore diyaar u ahaa dagaalka balse tallooyin uga yimid Odayaasha Beelaha iyo waxgaradka ay qaateen.

Jabhadda Cawaale ayaa waxaa hoggaaminayay  Oday lagu Magacaabo Suldaan Abuukar Cilmi Wabar,waxaana ay horay u sheegeen in ay Soomaaliland awood uga saari doonaan deegaannada Gobolka Awdal,hayeeshee haatan ay Soomalailand la heshiiyeen.

You might also like More from author

Leave A Reply