Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya Oo Kala Saxiixday Heshiis Cusub

0

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa Goordhow kulan ku yeeshay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Kulanka oo ahaa mid Albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana labada Madaxweyne ay heshiis ku gareen in dib loo soo celiyo diplumaasiyadeed ee ka dhexeeyay labada dowladood.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa kulanka kadib warbaahinta si wadajir ah uga hadlay, waxaana qodobada ay ku heshiiyeen kamid ah.

In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.

In Duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.

In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)

In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

You might also like More from author

Leave A Reply