Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Beesha Caalamka oo shuruud hor-dhigtay Axmed Madoobe

0

Magaalada Kismaayo waxaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Xuvno ka socday Beesha caalamka oo kulamo kala duwan la lahaa madaxda maamulka Jubbaland,Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda doorashadii ka dhacday magaaladaas.

Kulankii ugu dheeraa ayaa Xubnaha Beesha Caalamka waxaa ay la qaateen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyaga oo kala hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda iyo kuwa ka aragti duwaniyo  in xal loo helo Arrimaha Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Cabdi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland ayaa beeniyey Warar maalmihii la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafinayay oo ahaa in Beesha Caalamka Axmed Madoobe ka dalbadeen in doorashada markale dib loogu celiyo.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Xubnaha Beesha Caalamka ay Axmed Madoobe ka dalbadeen in uu wada-hadal la furo Dowladda Federaalka,isla markaana wada-shaqeyn la bilaabo cidii kale ee wax tabaneysana la qanciyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay u sheegtay inaysan aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday Kismaayo ee uu kusoo baxay Axmed Madoobe,waxaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo saartay hab raac ku aadan doorasho kale oo la qabanayo.

You might also like More from author

Leave A Reply