Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

SAWIRRO: Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark?.

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo maanta booqasho ku yimid dalka ayaa yeeshay kulan looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib-u-dhiska  dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda waxa uu ugu yeeray Axgagixisa,adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada in ay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho sida lagu sheegay wark ka Soobaxay Xafiiska Wasiirka 1 aad ee Soomaaliya.

Jeppe Sebastian Kofod oo bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay dhismaha hey’adaha dowladeed iyo qorshaha dib-u-qaabeynta iyo dadaalkeeda la dagaallanka Al shabaab, iyo dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa caddeeyay in Dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay kusii garab taagnaato taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee labada dowladood.

 Bishii October ee sannadkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay magaalada Washington ku yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo kulanka ku wehlinaayay Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Denmark ay ka midtahey wadama Soomaaliya ka garab siiya hormarinta dhaqaalaha,dhismaha Dowladnimada iyo in lagu guulayso Xasilinta amaanka dalkaan.

4
4
5
5
Bg5i8687
Bg5i8687

You might also like More from author

Leave A Reply