Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Itoobiya oo Mas’uuliyiin & Saraakiil Ciidan ku xirtay Gobolka Gedo

0

Ilo kala duwan oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Gobolka Gedo ay ka shaqeeyeen in Maamulka iyo Ciidamadii Jubaland ee Gobolka Gedo ay u wareegaan dhinaca dowladda Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa uu shir ka socday Geedka Cambaha oo u dhaxeeya labada Dooloow ee Soomaaliya iyo Itoobiya halkaas oo uu maro Wabiga.

Shirkaas waxaa ka qeybgalay maamullada Degmooyinka Baladxaawo, Luuq iyo Dooloow Soomaaliya,waxaana ay kula shirayeen Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee jooga Gobolka Gedo.

Mustaqbal ayaa ogaatay in saddexda Magaalo maamulkoodii ay Ciidamada itoobiya ka xeeyeen kaddib markii ay ku qanciyeen in ay taageeraan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warar kala duwan oo ay heleyso Mustaqbal   ayaa sheegaya in loo qaaday Magaalada Adis ababa mas’uuliyiintaas halka wararka qaarna ay sheegayaan in la geynayo  Magaalada Muqdisho, hayeeshee aysan wali kala caddaan.

Guddoomiyayaasha heshiiska la gaaray Saraakiisha Itoobiyaanka ah eek u sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa ay markii hore daacad u ahaayeen Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam kaas oo ay isku dhacsanyihiin dowladda Federaalka ah.

Sidoo kale 135 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Jubaland kuna sugnaa Baladxaawo ayaa saaka iska dhiibay Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo,waxaana ay ku biireen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sida ay heshay Mustaqbal Saraakiisha Ciidanka Itoobiyaanka ah ayaa maamulka Degmooyinkaas maalmihii la soo dhaafay ku wargeliyay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ciidamo geyneyso gobolka lana socdaan.

Mas’uuliyiinta ay wadahadalka saddexda maalmood la lahaayeen Saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa waxaa ay isku heynyihiin Wasiirka amniga Jubaland eek u xiran Magaalada Muqdisho,kaas oo dowladda Soomaaliya diyaarad uu la socday ka reebtay 31kii August 2019.

Maamulka Jubaland ee ay Itoobiya dhabarjebinta uga sameysay Gobolka Gedo wali kama hadlin arrintan la xiriirta in Ciidamada iyo maamulladii saddexda degmo ee kor ku xusan ku biireen Dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply