Duqa Muqdisho oo guddoomiyey shir looga hadlayo amniga Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)  ahna Duqa Muqdisho ayaa Shir gudoomiyay Shirkii isbuuclaha ahaa ee Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay Arrimo dhowr ah.

Shirka ayaa todobadkan waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid ahaayeen dar dar gelinta Gurmadka fatahaadaha Beledweyne, xaalada amniga, sara u qaadista Nadaafada iyo bilicda Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka waxaa uu faray inay dardar geliyaan Shaqooyinkooda iyo sidii Bulshada u heli lahaayeen Adeegyadooda.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Duqa Muqdisho waxaa ay Warbixinio ka siiyeen xaalada degmooyinka Gobolkan Banaadir iyo howlaha u qabsoomay todobaadkaan.