Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Dowladda Somalia oo digniin kasoo saartay fatahaada horleh oo dhaca

0

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin waxaa ay kasoo saartay inay ka dhici karaan fatahaado iyo daadad deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Saadaasha Roobka ee labada Maalin ee soo socota ay macquul tahay inay da’aan roobab xoogantaasi oo keeni karta daadad iyo fatahaado horleh.

Roobabka ayaa Wasaaradu sheegtay in loo badinayo inay ka da’aan Dhulka Sare ee Itoobiya taas oo markasta sababta inay kordhaan fatahaadaha wabiyada dalka,sidoo kalena la filayo inay kor u kacaan heerka Biyaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ee Gobolada Hiiraan iyo Gedo.

Meelaha ay cabsida badan kajirto ayaa waxaa lagu sheegay Magaalooyinka,Baladweyne,Baardheere,Doolow iyo Gobolada Baay iyo Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed.

                                                    Halkaan Hoose ka Akhriso Digniinta Warqadda:-

Wasaaradda
Wasaaradda

You might also like More from author

Leave A Reply