Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

XOG: Sarkaal DF u xoreeyay Galmudug oo ku wajahan deegaanadii laga saaray Ahlu suna

0

Warar hoose oo aan heleyno ayaa ku waramaya in Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ” Saadaq Joon” ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmo ka hor si buuxda ay ula wareegeen Ciidanka Dolwadda Federaalka Soomaaliya.

Saadaq Joon oo horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Nabad Galmudug ayaa maalmaha soo socda gaaraya magaalada Dhuusamareeb,sida ay ku waramayaan illo lagu kalsoonaan karo.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee Saadaq Cumar Xasan ugu wajahan magaalada Dhuusamareeb,balse xuuraansi aan sameynay ayaa sheegaya Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku wargeliyay Saadaq inuu kaga sii hormaro magaalada Dhuusamareeb oo maalmaha soo socda uu ku wajahan yahay.

Duufaano siyaasadeed ayaa ka soo cusboonaaday Galmudug,taasi oo sabab u ah isbedelka maamul ee ku dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb,Matabaan iyo Guraceel ka dib markii ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya kala wareegeen kuwa Ahlu suna oo mudo ku sugnaa.

Kooxda Ahlu suna oo mudo la loolameysay Dowladda Federaalka ayaa hadda u muuqata iney laga guuleystay,wuxuuna Sheikh Shaakir Warbaahinta u sheegay ineysan diyaar u ahayn iney dagaal Wiil kaga dhinto.

You might also like More from author

Leave A Reply