Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Safarkii Xasan Sheikh & Sheikh Shariif maanta ku tegi lahaayeen Baladweyne oo dib u dhac ku yimid

0

Safarkii madaxweynayaashii hore ee dalka iyo xubo ka tirsan Labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku tegi lahaayeen magaalada Baladweyne ayaa baaqday ka dib markii xalay ilaa saaka ay roobab xooggan ku da’ayeen magaalada taasi oo sababtay inuu xirmo Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Sheikh Shariif oo ah Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran,Xasan Sheikh iyo xubno Xildhibaano ayaa maanta ugu wajahnaa magaalada Baladweyne sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka ay saameynta ka soo gaartay Fatahaaddii ku dhufatay magaalada Baladweyne iyo deegaanada ku xeeran.

Senatot Ilyaas Cali Xasan ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray inuu dib u dhac ku yimid safarkii maanta ay ku tegi lahaayeen magaalada Baladweyne iyo Berdaale ka dib markii xalay ilaa saakay ay roobab xooggan.

“Waan ka xunnahay Safarkeenii maanta lagu tagi lahaa Beledweyne iyo Berdaale oo dib udhac kuyimid kadib markii xaley ilaa saaka ay roobab xoogan kadaen taas oo sababtey in Airport ka Beledweyne diyaaraduhu ay kutagi karin,”ayuu yiri Senator Ilyaas Cali Xasan.

Xisbiyada Qaran ee dalka ka jira ayaa u tafaxeetay sidii ay ugu gurman lahaayeen Shacabka ku dhibaateysan magaalooyinka Berdaale iyo magaalada Baladweyne oo Hiiraan iyo Baay ka kala tirsan.

You might also like More from author

Leave A Reply