Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u jeedisay Ahlu suna

0

Dowladda Sooomaaliya ayaa Maamulka Ahlusunna Waljameeca kaga digtay in ay caqabad ku noqdaan dhismaha Maamul Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in Dowladda wanaag u hayso Ahlusuna,madaama ay muddo la dagaalamayeen Xarakadda Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Somaliya ay wanaag u hayso Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, balse ay ka doonayaan inay nidaamka raacaan.

“Wanaag baan u haynaa, dadkii Soomaaliyeed weeye, dadkii dalka lahaa weeye, lagama xigsanayo, laakiin nidaamka sharciga ah ha raaceen,dowladda Soomaaliyeed ha u ogolaaden inay si nidaamsan uga warqabto, u hagto inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, oo si fiican loo soo doortay Xildhibaanadeeda.”.  Ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

You might also like More from author

Leave A Reply