Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

XOG: Fahad Yaasiin oo wax laga weydiiyay Lacago & Xogo muhiim ah oo laga dhacay Hay’adda NISA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u yeeray Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir,isagoona wax ka weydiiyay lacago malaayiin dollar ah iyo Hub lagala goostay Hay’adda.

Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa wax laga weydiiyay xogo muhiim ah oo saraakiil ka tirsan Hay’adda ay la goosteen iyo halka uu marayo baaritaankooda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda NISA oo magacyadooda qariyay sababo amni dartood ayaa inoo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu si weyn kaga carooday arrintaan,islamarkaana si caro ku jirto Fahad Yaasiin,taliyaha Hay’adda NISA uga dalbaday inuu Jawaab deg deg ah ka siiyo xogaha,lacagaha iyo Hubka lagala goostay Hay’adda iyo sababta ay ku dhacday.

Taliye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), Generaal Cabdala Cabdala ayaa dhowaan Facebookiisa ku soo daabacay in saddex xubnood oo ka tirsanaa Hay’adda ay la goosteen lacago iyo xogihii Hay’adda.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka uu soo dhigay bartiisa bulshadda:-

“Waxaa ilaa shalay xaalad jaahwareer iyo Cabsi ah ay ka jirtaa Hoggaanka sare ee NISA kadib markii xubin sare oo ahaa qof 3 aad uu la goostay lacag badan horeyna usii qaatay data base kii NISA oo dhan,waxaa wax lala yaabo ah in aan ilaa hadda la ogayn sababta ku kaliftay iyo halka uu ku wajahanyahay… Ninkaas oo nisa kusoo biiray 2018 !!! Horeyna uga tirsanaa ururada Xagjirka ah,waa nasiib darro weyn waxa maanta ku dhacay NISA,faahfaahintiisa iyo cadaynta waxaan ka sugaynaa dowladda Somalia !!!

You might also like More from author

Leave A Reply