Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

DEG DEG: Mas’uul ka tirsan Hirshabeelle & Wiil uu dhalay oo Qarax lagu dilay

0

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Muxumad Cabdi.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa u dhintay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo Caawa lagu weeraray Guri uu ka deganaa Magaalada Jowhar.

Sidoo kale Weerarka ayaa waxaa ku dhintay Wiil yar uu dhalay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana halkaas si deg deg ah uga baxsaday ragii weerarka soo qaaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa haatan ku sugan goobta uu falka la dhacay,isla markaana ka wada baaritaano kala duwan

You might also like More from author

Leave A Reply