Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Banaanbax looga soo horjeedo Axmed Madoobe oo ka dhacay Gobolka Gedo

0

Banaanbax looga soo  horjeedo maamulka Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka halkaasi oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan.

Dadka banaanbaxa dhigayey oo isugu jiray Odayaal, Haween iyo Carruur  ayaa waxaa ay kasoo horjeedeen Xaflada shalay lagu caleema saaray Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa aad u dhaliiley madaxdii ka qeyb-gashay xaflada sigaar ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka banaanbaxayay ayaa waxaa ay eedeyn kulul u jeediyeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo sheegay in uu Kismaayo u tegay iska horkeenka Shacabka Jubbaland sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in wixii ka dhacay Magaalada Kismaayo aysan aheyn doorasho,isla markaana iyaga oo kaashana Madaxda dowladda Federaalka ay doorasho ku qaban doonaan degmada Garbahaareey.

You might also like More from author

Leave A Reply