Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Al-Shabaab oo war ka soo saaray Weerarkii Madaafiicda ee Xerada Xalane ee Muqdisho

0

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar loo adeegsaday madaafiic oo lagu garaacay xarunta Xalane oo ah Fariisinka ugu AMISOM iyo Qaramada Midoobay.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in duhurnimadii maanta ay dagaalyahanada Xarakadu weerar qorsheysan ku beegsadeen xerada Xalane, ayna ku dhufteen ugu yaraan 9 gantaal.

Mid ka mid ah Horjoogayaasha Al-Shabaab oo la hadlay Idaacada Andulus ee ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegay in qaar ka mid ah gantaalada ay ku dhaceen xafiisyada Qaramada Midoobay iyo midka Midowga Afrika,islamarkaana uu halkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa sheegay in lix ruux oo labo ka mid ah ay yihiin cadaan lagu dilay duqeynta halka 5-ruux oo kale oo ah shaqaalaha cadaanka ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo war ka soo saaray duqeyntaasi ayaa sheegay inuu si adag u cambaareynayo duqeyntaasi,islamarkaana kooxaha argagixisada ay mar kasta isku dayaan iney qal qal geliyaan amniga.

You might also like More from author

Leave A Reply