XOG: Xildhibaanada Puntland oo wada Mooshin lagu ceyrinayo Shirkadda DP World

0

Qaar ka mid ah Golaha Wakiilada Puntland ayaa wada qorshe mooshin looga diyaarinayo imaaraadka Carabta gaar ahaan Shirkadda DP World oo gacanta ku heysa Dekadda iyo Garoonka magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa si aad ah uga horjeeda mooshinkan wuxuu wadaa qorshe kale uu ku kala fur furayo,si meesha looga saaro.

https://www.youtube.com/watch?v=PJ3JYfEbGcg&t=2s

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in mooshinkaasi gadaal ay ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya,islamarkaana dhaqaalo fara badan ku bixineyso.

Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa sanadkii 2017,dii waxa uu meel mariyay heshiis ay wadagaleen xukuumadda maamulkaasi iyo shirkadda Dubai World, taas oo ku maal gashanayso dekadda magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2018, soo saaray qaar dalka looga mamnuucayo shirkadda DP World ka dib markii ay heshiis ay shirkadaasi ay la gashay maamulka Somaliland oo ay kula wareegeyso Dekadda Ber bera.

 

You might also like More from author

Leave A Reply