XOG: Mucaaradka DF oo ku sii qul qulaya magaalada Kismaayo & Shirar Xasaasi ah oo socda

0

Wafuud kala duwan oo ka kala tagaya magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa ku sii qul qulaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland,halkaasi oo lagu wado iney ka dhacdo Xafladda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xulufeysi siyaasadeed iyo shirar looga hadlayo Xaaladda Soomaaliya ayaa haatan ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo,sidoo kale waxaa horay u joogay madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo C/kariim Xuseen Guuleed,kuwaasi oo horay halkaasi u gaaray.

Sidoo kale, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u ambabaxay magaalada Kismaayo kuwaasi oo saacadaha soo socda ku wajahan,waxayna dhammaatooda u socdaan ka qeyb galka xafladda mararka badan dib dhaca ku yimid ee Caleema saarka Axmed Madoobe.

Siyaasiyiintan oo qaarkood xilal kala duwan ka soo qabtay dalka waxay dhaliilsan yihiin hanaanka waxqabad ee Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo haddii ay isku arkaan Kismaayo laga yaabo iney sameystaan isbaheysi ka dha ah Maamulka Villa Soomaaliya.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in Dowladda Federaalka ay gabi ahaanba qaaday xayiraadii saarneyd magaalada Kismaayo ka dib cadaadis la saaray.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland ayaa la kulmaya culeysoyo siyaasadeed oo kaga imaanaya Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka oo dhinac,waxaana lagu eedeeyay inuu maroorsaday doorashadii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo aan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee xafladda caleema saarka ay dhaceyso,inkastoo warar hoose oo aan heleyno ay sheegayaan in maalinta sabtida ah lagu wado iney dhacdo.

You might also like More from author

Leave A Reply