Xiisad ka dhalatay Shaqa joojin lagu sameeyey Taliye ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle

0

Waxaa degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ka taagan xiisad ka dhalatay Shaqa joojin uu guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale uu ku sameeyey Taliyaha Saldhiga Booliska Jalalaqsi Muuse Salaad.

Shaqa jojintaas ayaa ka dambeysay,kadib markii Ciidamo uu horkacayo taliyaha Booliska iyo Ciidamada Jabuuti ay maalma ka hor ku dagaalameen degmada Jalalaqsi,isla markaana ay isku khilaafeen in hawada laga saaro Isgaarsiinta degmadaas,xilli Ciidamada jabuuti ay howlgal miina baaris ah ay sameeynayeen.

Taliyaha Booliska jalalaqsi ee gudoomiyaha uu Shaqada ka joojiyay ayaa sheegay in uusan guddoomiye gobol awood u leheyn shaqo ka joojintiisa sidaas darteed u shaqada sii wadan doono maadaama aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay taliska booliska Hir-Shabeelle oo isaga Magacaabey.

Magalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xalay ilaa saakay laga dareemayaa xiisada ka dhalatay Shaqa joojinta Taliyaha Booliska degmadaas,iyada oo la soo sheegayo in Shaqada Maamulka degmada iyo tan Booliska ay hakad ku jirto khilaafkana laga dareemay Magaalada.

Dhinaca kale warqad xalay ka soo baxday guddoomiye ku xigeenkii xilka laga qaaday ee gobolka hiiraan ee diiday Khaalid Bashiir Macalin ayaa kasoo horjeestay Shaqa joojinta taliyaha Booliska jalalaqsi,isaga oo sheegay inay tahay sharci-darro.

Khilaafkaan ka taagan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ee ka dhashay Shaqa joojin uu gudodomiyaha Gobolka Hiiraan ku sameeyey Taliyaha Booliska degmadaas ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf uu ka taagan yahay dhismaha Golaha deegaanka degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply