Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif oo ku wajahan magaalada Kismaayo

0

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa iney tagaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Labadan Mas’uul oo horay loogu hor istaagay safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Kismaayo ayaa hadda ka qeyb galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ayaa Bishaan lagu xayiray Garoonka Muqdisho xilli uu doonayay in uu u dhoofo Kismaayo,taas oo xiisad siyaasadeed abuurtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore tegi doona Kismaayo,iyada oo isla maanta uu Muqdisho ka ambabixi doono Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya.

Magalada Kismaayo Wararka naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban qaabada soo dhawyenta wufuuda kala duwan ee ka qeyb-galeysa Xaflada Caleema saarka oo uu kamid yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Goordhow ka duulay Garoowe.

You might also like More from author

Leave A Reply